Ciyaaraha

Xidig Liverpool ka tirsan oo abaal marin hantay.

Xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaalmarinta xidiga sanadka 2019 ugu fiican carabta ee ay bixiso majalada caanka ah ee “GQ”. xaflada ayaa ka dhacday magaalada Dubai ee dalka imaaraadka iyada oo xaflada la qabtay shalay oo uu Mohamed salah ku ceshaday abaalmarinta kadib markii uu ku guulaystay sanadkii hore ee 2018.

Xidiga Liverpool ayaa ka hadlay farxadiisa ku aadan abaalmarinta isaga oo abaalmarinta u hadiyeeyay taageerayaashiisa gaar ahaan kuwa xulka qarankiisa iyo waliba kuwa kooxdiisa Liverpool “ waan ku faraxsanahay in aan abaalmarinta helo kana kana helo majalada “GQ” waxa aan doonayaa dhamaan in aan u mahad celiyo dadka ka soo qayb galay xaflada gaar ahaan taageerayaasheeyda” ayuu yiri Salah.

Mohamed salah ayaa xili ciyaareedkan premier league ku jira qaab aan fiicnayn isaga oo kaliya dhaliyay 4-gool. salah ayaa sidoo kale dhaawac uga baxay kulankii ay kooxdiisa Liverpool  guusha ka gaadhay Leicester city kana tirsanaa premier league .

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close