Ciyaaraha

Arsenal oo heshay xidig xal u noqon karo daafacooda liito

Kooxda arsenal ayaa bartilmaa meedsanaysa  daafaca kooxda wolves ee willy Boly si ay ugu xaliso dhibaatada daafaca ee kooxdeeda marka la gaadho suuqa January ee biloega sanadka cusub.

Gunnars ayaa xoojisay daafaceeda suuqii xagaaga iyada oo la soo saxiixatay daafaca reer Brazil ee David luiz kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Chelsea  laakiin Unai Emery ayaa markale doonaya in uu xoojiyo daafaciisa  marka la gaadho suuqa January lana soo saxiixdo xidig kale.

Wargayska the sun ayaa sheegaya in daafaca kooxda wolves ee willy Boly yahay bartilmaameedka 1-aad ee Gunners marka la gaadho suuqa kala iibsiga January laakiin wolves ayaa u dagaalami doonta sidii ay 28-jirka ugu hayn lahayd kooxdeeda.

Willy Boly ayaa wolves ugu soo biiray 10-milyan oo Euro ah suuqii xagaaga ee 2017 waxana uu door muhiim ah ka ciyaaray qaab ciyaareedka fiican ee kooxda wolves ku jirto xagaagan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close