Wararka

Madaxweyne Deni oo ka Tacsiyeysay Geerida Marxuum Sacad Cumar Ismaaciil Geelle.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa k tacsiyeeyay geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle oo ku geeriyooday dalka Faransiiska.

“Madaxweyne Deni waxaa uu tiiraanyada iyo xanuunka geeridaasi la wadaagayaa, ugana tacsiyaynayaa shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geelle. Waxaana uu si gaar ah uga tacsiyaynayaa geeridaasi Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle”. Ayaa lagu yiri war-qoraal ah oo lasoo dhigay barta baraha Bulshada ee madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu danbayn waxaa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u fududeeyo, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladii, qoysaskii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close