Wararka

Guddimyaha aqalka sare oo Xilka Ku Kala Wareejiyay Xoghayihii hore Aqalka Sare iyo Xoghayaha Magacaaban

Gudoonka Golaha aqalka Sare ayaa Ka Qayb Galay Munaasibad ay Xilka Ku Kala Wareegayeen Xoghayihii hore Aqalka Sare iyo Xoghayaha Magacaaban.

Munaasiabadan Xil Wareejinka Ayaa Waxa Ay Ka Dhacday Xarunta Golaha Aqalka Sare BFS Waxaana Xilka Ku Kala wareegayay Xoghayihii hore Aqalka Sare iyo Xoghayaha Xilka La Wareegayay Cabdi Naasir Ibraahin Gulled.

Ugu Horeyn Cali Maxamed jaamac Xoghayihii hore ayaa ka warbixiyay Intii uu Joogay waxa u qabsoomay wuxuuna u Mahadceliyay Gudoonka Senatarada iyo Shaqaalaha aqalka Sare intaa ka dib Xoghayihii hore ayaa Document ku aadan Shaqada Xoghaye Gudoonsiiyay Xoghayaha Cusub.

Ugu Danbayn Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa Xoghayihii hore Ku Amaanay howshii uu Qabtay intuu Shaqaynayay isagoo Dhinaca kalena soo dhoweeyay Xoghayaha Cusub.

Munaasibada Xil Wareejinta Waxaa Ku Sugnaa Gudoomie Ku Xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahin Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Aqalka Sare Cabdulaahi Cali Xirsi Tima Cadde .Senataro iyo Agaasimayaal ka tirsan Golaha Aqalka Sare

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close