CiyaarahaWararka

Brighton ayaa diiday dalab 30 milyan ginni ah oo ay Manchester City ka gudbisay daafaca bidix Marc Cucurella.

Brighton ayaa diiday dalab 30 milyan ginni ah oo ay Manchester City ka gudbisay daafaca bidix Marc Cucurella.

24-sano jirkaan heerka caalami ee dalka Spain ayaa heshiis shan sano ah u saxiixay kooxda ka dhisan xeebaha koonfureed markii uu kaga soo biiray kooxda La Liga ee Getafe xagaagii hore.

Brighton ayaa ku iibisay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Yves Bissouma heshiis 30 milyan ginni bishii hore, wax cadaadis ah ma saarna inay iibiso.

Marc Cucurella ayaa Ka qalin jebiyay akadeemiyada Barcelona, Cucurella ayaa hal kulan u saftay Spain waxaana uu u ciyaaray kooxda 23 ka yar isaga oo ku guuleystay qalinka Ciyaaraha Olombikada Tokyo 2020.

City ayaa horay ula soo saxiixatay Kalvin Phillips iyo Erling Haaland ka hor isku dayga ay ku doonayaan in ay ku xaqiijiyaan koobkii seddexaad oo xiriir ah Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, iibinta Oleklsandr Zinchenko ee Arsenal oo ay ka siiyeen 30 milyan ginni ayaa ka dhigeysa inay ka yaraato dooqyada dambeedka bidix.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close