CiyaarahaWararka

Salah oo saxiixay qandaraash seddex sano ah.

Jurgen Klopp ayaa muhiimmad badan saaraayay inuu arko Salah oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda.

Mohamed Salah ayaa soo afjaray hadal haynta ku saabsan mustaqbalkiisa Liverpool isaga oo saxiixay heshiis cusub oo saddex sano ah.

Qandaraaskii hore ee laacibka Masaarida ayaa ku ekaa xagaaga soo socda. Heshiiska cusub ee Moha Salah ayaa dhigaayo in uu qaato £ 350,000 todobaadkii, taas oo  ka dhigaysa ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda.

“Waxaan dareemayaa wax weyn, waana ku faraxsanahay inaan koob kula guuleysto kooxda, waa maalin farxad u ah qof walba,” Salah ayaa yiri.

“Waxay qaadataa wakhti yar, waxaan u maleynayaa, in la cusbooneysiiyo, laakiin hadda wax walba waa la sameeyay marka waxaan u baahanahay kaliya inaan diirada saarno waxa soo socda.

Ciyaaryahan Mohamed Salah ayaa sheegay in shantii ama lixdii sano ee ugu dambeysay ay kooxdu mar walba u socotay kor u kac, xilli ciyaareedkii hore ayuu sheegay in kooxdu  ku dhawaanaysay inay ku guuleysato afar Koob, laakiin nasiib daro todobaadkii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka ayay Liverpool lumisay laba koob.

“Waxaan qabaa inaan ku jirno meel wanaagsan oo aan ugu dagaalami karno wax walba, waxaan heysanaa saxiixyo cusub, kaliya waxaan u baahanahay inaan sii wadno shaqada adag, aan yeelano aragti wanaagsan, inaan noqono kuwa wanaagsan oo aan mar kale wax walba u dhaqaaqno”. Mohamed Salah.

Salah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii uu imaanaayay naadiga Liverpool, ay kooxdu gaarin guulal badan. Waxaa uu xusay in u jeedkiisu uu ahaa inuu naadiga kula guulaysta Koobab badan.

“Waxaan qabaa inaan koobab fiican wada qaadanay. waxaana filayaa inaan sameyn karno markale, waxaan ku guuleysanay waxyaabo badan si wadajir ah, waxaan helnay xoogaa niyad jab ah, laakiin tani waa kubada cagta.”

Salah ayaa Liverpool kaga soo biiray AS Roma bishii June 2017. Mohamed ayaa sameeyay isbedel deg deg ah isaga oo dhaliyay 44 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay.

Kadib iibkii Sadio Mane ee Bayern Munich horaantii xagaagan, Jurgen Klopp ayaa muhiimmad badan saaraayay inuu arko Salah oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda.

30-sano jirkaan ayaa loo magacaabay laacibka sanadka ee FWA iyo ciyaaryahanka PFA ee 2021/22 ka dib markii uu gacan ka geystay xaqiijinta FA Cup iyo League Cup oo laba jeer ah.

Salah ayaa ku jira booska sagaalaad ee kala sareynta gooldhaliyeyaasha abid ugu sarreeya Liverpool – qandaraaskan cusub wuxuu siinayaa fursad uu naftiisa sare ugu qaado xitaa liiskaas.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close