Wararka

Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ugu deeqay 5.4 milyan oo Doollar

Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ugu deeqay 5.4 milyan oo Doollar

Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) , ayaa oggolaaday deeq lacageed oo dhan 5.4 milyan oo Doollarka Maraykanka ah, si loogu taageero sugnaanta cuntada degdegga ah ee Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Bankiga Bariga Afrika, Nnenna Nwabufo, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in saameynta abaarta daba dheeraatay iyo saameynta dheeriga ah ee colaadda Ruushka iyo Ukraine ay sii xoojisay cunno yarida dalka.

Mas’uulkaasi ,waxa uu intaa raaciyay  in deeqdani ay ka kooban tahay maalgelin dheeraad ah oo la siinayo barnaamijka caalamiga ah si loo dhiso adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqeynta .

“Sannadihii lasoo dhaafay, abaaruhu waa ay abuureen xaalado nuglaansho ah oo ay weheliso cunto yari joogto ah, dhaqaale xumo baahsan, colaado, iyo tahriib, taasoo si xun u haleeshay xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda-xoola-dhaqatada,” ayay tiri.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 7.1 milyan oo qof, ku dhawaad ​​kala bar tirada guud ee dadka, ayaa wajahaya xaalado  abaaro ah oo ka jira Soomaaliya.

Tags
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close