Wararka

Ukraine iyo Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis ogolaanaya in Kyiv ay dib u biloowda dhoofinta hadhuudhka.

 Dowladaha Ukraine iyo Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis ogolaanaya in Kyiv ay dib u biloowda dhoofinta hadhuudhka ee Badda Madow.

Heshiiska ayaa dhigaayo in malaayiin tan oo hadhuudh ah, oo hadda ku xayiran Ukraine la dhoofiyo. Wax soo saarka sarreenka sida rootiga iyo baastada ayaa qaali noqday, qiimaha saliidda wax lagu karsado ayaa sidoo kale kor u kacday.

Malaayin qof ayaa halis ugu jiro gaajo ka dib markii uu go’ay Qamadigii laga dhoofin jiray Ukraine sabab la xeriirta dagaalka  Ruusha ee Ukraine.

Labada dhinac ayaa ka qeyb galay xafladda heshiiska oo ka dhacday caasimada  Istanbul ee dalka Turkiga, balse ma aysan wada fariisan hal miis. Wasiirka difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu ayaa saxiixay heshiiska Moscow markii hore, waxaana ku xigay wasiirka kaabayaasha ee Ukraine Oleksandr Kubrakov.

Heshiiska  oo qaatay labo bilood ayaa lagu wadaa inuu socdo muddo 120 maalmood ah, waxaana xarun isku-dubbarid iyo dabagal lagu loogu sameeyo dhaqangalintiisa laga sameeyay magaalada Istanbul.

Dhaqangalka heshiiskaan ayaa waxaa ka shaqeyn doona saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, Turkiga, Ruushka iyo Ukraine. Sidoo kale waxaa ku qoran heshiiska in la cusbooneysiin karo haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Ruushka inuu si degdeg ah wax uga qabto, iyadoo afhayeenka Aqalka Cad John Kirby uu sheegay inay lagama maarmaan tahay “in laga hortago nafaqo darro ku timaado dadka nugul”.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close