Ciyaaraha

Hor dhaca Real Madrid vs Granada.

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Granada  kulan katirsan todobaadkii 8-aad ee horyaalka la liga kana dhici doona garoonka Santiago Bernabue.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay gaadho guul ka caawisa in ay ku soo laabato  wadada guulaha kadib bar-barahii niyad jabka lahaa ee tartanka champions league  sidoo kale kooxda Granada ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha horyaalka kadib bar-barahii ay todobaadkii hore eey galeen.

Kooxda Granada ayaa kulanka soo galaysa iyadoo hal dhibic kaga dambeeyso kooxda  Real Madrid kadib guushii ay todobaadkii hore ka gaadheen kooxda leganes.

Xaqiiqooyinka kulanka

kooxda Real Madrid ayaa kaliya la kulantay hal guuldaro 23-dii kulan ee ugu dambeeyay la liga ay Granada kula ciyaartay garoonkeeda Santiago Bernabue kaas oo dhacay bishii January sanadkii 1974-tii.

Granada ayaa guuldaro la kulantay 14 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka la liga guushii ugu dambaysay ayaa dhacday February 2013-kii iyaga uga mahad celiyay gool uu Cristiano Ronaldo iska dhaliyay.

Real Madrid ayaa badisay 8-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay Granada kaga hortagtay horyaalka iyaga oo dhaliyay 28-gool.

Granada ayaa heshay 14-dhibcood 7-dii kulan ee ay ciyaartay xili cyaareedkan waana rigoorkii ugu fiicnaa abid heerka 1-aad ee horyaalka Granada ka sameeyso.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close