Wararka

Madaxweynayaashi hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo gaaray Magalada Kismaayo.

Waxaa Magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka u ah dowlad Goboleedka Jubbaland goor dhaweed gaaray  Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed C/Karin Guuleed iyo Shariif Xasan waxaana Garoonka caalamiga ee Sayid Mohamed Abdullah Xassan ee Kismayo  kusoo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaladn Mohamuud Sayid aadan iyo xildhibaanno katirsan dowlad Goboleedka Jubbaland.

Diyaaradda ay la socdeen siyaasiyiintaan ayaa toos uga timid caasimada Kenya ee Nairobi waxaana socdaalkooda Kismayo kuwehlinaayo sodomeeyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Socdaalka siyaasiyiintaan ayaa ku soo aadayo iyadoo asbuucaan dhexdiisa lafilaayo in Magalada Kismayo ay ka dhacdo xaflada caleema saarka madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Ahmed Mohamed Islam kaas oo ay doorashadiisa ka dhalatay muran badan.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 3 people, people smiling, people standing, wedding, sky and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing, sky and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close