Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shir Guddoomiyey Kulan Deg Deg Ah oo Abaarta looga hadlayo.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay kulan deg deg ah oo looga hadlayey xaaladda Abaaraha Puntland.

Abaaraha soo laablaabtay ee ka dhaca deeganada Puntland ayaa  sababtay biyo la’aan baahsan, xanuuno dillaacay, nabaad guur baahsan iyo nafaqo darro dadka iyo duunyadaba ah.

Kulankaan waxaa kasoo qaybgalay dhammaan hay’addaha wadanka ka howlgala, UN-ka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa dowliga ahba iyadoo diiradda lagu saaray sidii si dhab ah looga tashan lahaa waxa ugu deg degga badan ee laga qaban karo Abaarta.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ayaa kulanka ka warbixiyey.

“Waxaa ka soo qayb-galay dhammaan hay’addaha wadanka ka howlgala, UN-ka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa dowliga ahba, kulanka ayaa waxaa gundhig u ahaa in si dhab ah looga tashado waxa ugu deg degga badan ee laga qaban karo Abaarta”.

“Insha Allah Eebbena waxaan ka rajaynaynaa inuu Roobkiisa iyo Raxmaddiisa naga soo gaarsiiyo, shirku arrimahaas ayuu ku saabsan yahay, asbuuc walba shirarkaan waan qaban doonnaa, illaa inta xaaladda wadanku iska bedalayso”. Ayuu yiri  Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hay’addaha kala duwan ee shirka joogay amray in ay faray si dhammaystiran ugu howl-galaan waxka qabashada xaaladda Abaaraha Puntland.Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 11 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 1 person, sitting, suit and indoor

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close