Wararka

Wasiirka waxbarashada dalka oo farxadda maalinta macalinka adduunka la wadaagay macalimiinta Soomaaliyeed.

Maalinkasto maanta oo kale waxaa caalamka laga xusaa maalinta macallinka aduunka, wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo farxadda maalintaani u leedahay macalimiinta Soomaaliyeed ayaa  ugu horeen hambalyo u diray macaliminnta adduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee waqtigii adkaa Soogaliyay tacliinta dalka.

“Aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddan qaaliga ah ee ku asteysan maalinta macallinka adduunka, ayaan waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan macallimiinta adduunka, gaar ahaan macallimiinteena sharafta leh ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Wasiirka waxbarashada dalka oo sidoo kale ka hadlay shaqada macalimiinta u hayaan bulshada Soomaaliyeed ayaa sheegay in macalimiinta ay la dagaalaan Jahliga iyo si xun u fakirka isla markaana soo saaraan ubax aragti fog leh oo hiigsanaya mustaqbal aad u wanaagsan.

“Macallinku wuxuu xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa, wuxuuna u heelanyahay in uu cirib tiro jahliga iyo si xun u fakirka, isla markaana wuxuu soo saaraa ubax aragti fog leh oo hiigsanaya mustaqbal aad u wanaagsan. Macallimiinta waa tusayaal fiican oo dhiirragelin iyo bogaadin mudan, laf-dhabarna u ah bulshada dhammaanteed”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka waxbarashada dalka Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close