Madadaalo

Haweeney jabisay rekoorkii u yaalay haweeneyda ugu ciddiyadaha dheer caalamka.

Haweenay kasoo jeeda dalka Maraykanka oo layirahdo Chris Walton ayaa jabisay rekoor u yaalay haweeneyda  layirahdo Lee Redmond taas oo aheyd haweeneyda caalamka ugu ciddayaha dheer.

Chris Walton ayaa noqotay haweeneyda ugu ciddiyaha dheer addunka waxaa ayna cabirka wadarta ciddiyaheeda gaariyaan 19-feet iyo 9-inches.

Haweeneydaan ayaa jabisay rikoorka looyaqaanno Guinness World Records waxaa ayna  ka ciddiya dheeraatay haweeneydii horey u haysatay rikoorkaan taas oo cabirka wadarta ciddiyaheeda ay gaarayeen 14-feet.

Lee Redmond oo aheyd haweneyda ugu ciddiyaha dheer addunka ayaa sanadkii 2009-kii ciddiyaheeda ku waysay shil gaari oo qabsaday.

Chris Walton ayaa sheegtay in ay wax dhiba ku heynin ciddiyahaan iyadoo xaqiijisay in ay qabato shaqooyinka caadiga ah ee guriga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close