Madadaalo

Waa tuma xidigta da’da yar ee dheesha feerka ama Bosing-ka?

Marka laga dhawaajiyo cayaarta feerka wxaa markiiba dhagahaada kusoo dhacaayo, oo aad sawiranaysaa raggii caanka ku ahaa dheeshaan oo ay kamid yihiin Muhammad Ali, Mike Tyson, Floyd Mayweather, Anna Wolfe, Laila Ali, Ronda Rousey iyo kuwa kale oo badan, balse ma qayaasi kartaa gabadh 10 sano jir oo kaliya ah taas oo lala bar bar dhigo halyeyada cayaarta feerka waa Evnika Saadvakass.

Evnika Saadvakass oo 10 jir ah ayaa caan ku ah dheeshaan loo yaqaano boxing ama feerka waxaana sii kordhaayo taageerayaasheeda ay ku leedahay baraha bulshada ee daafaha caalamka oo idil.
in ay noqota xidigta da’yarta bosing ayaa ka danbaysay kadib markii ay la soo shartagtay xirfada dabiiciga ah waxaa ayna leedahay awood ay 1 daqiiqo gudaheed ku samayso in ka badan 290 feer oo xariir ah iyadooon neefsan.

Evnika Saadvakass waxaa ay kusoo caan baxday hibada in ay boobsiin karto feerka boqolaal mar, iyadoo shan sano jir ah ayay ka soo muuqatay baraha bulshada xiligaas oo ay feer la dhacaysay geed wax difaacna uma xirneen.

Evnika waxaa ay cayaartaan feerka bilawday iyadoo seddex sano jir ah, aabaheeda ayaana ku dhaliyay in ay noqota feeryahaan, waxaa uu bilaabay in uu tababar siiyo ilaa ay farasano jir ka soo noqota markaas oo ay la soo shar tagtay heebida ay u leedahahay cayaaraha feerka.

Gabadhaan da’da yar ayaa ka soo jeeda dalka Ruushka waxaa ayna raja ka qabtaa in ay guula badan ka soo hoyn doonta hal gankaan ay ugu jirto dheesha bosinka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close