MadadaaloMaqaallo

(AKHRISO): Xaqiiqooyinka Xiisaha Badan ee Caalamka.

Waxaa jiro ku dhawaad laba boqol (200) oo dal caalamka oo ay ku nool yihiin inta la qayaaso dad gaaraayo 7.5 bilyan oo ruux. Intaasi kadib waxaan idin soo gudbin doonaa xaqiiqooyinka adduunkaan ugu xiisaha badan ee isugu jiro dad, meel ama sheey kuwaas oo soo jiidasha u leh jiilka hadda nool iyo kuwa danbo intaba.


Haddaad u baahantahay in aad wax badan ka ogaato fadlan akhriso 50 Xaqiiqooyinka Xiisaha Badan ee Caalamka oo aan halkaan idin kuugu hayno.

1. Ma ogtahay in dalalka Kuuryada waqooyi iyo Cuba ay yihiin labada dal ee kaliya aan caalamka laga Gadan Coca-Cola.


Waan ogsoonahay in dunida meel kasto oo aad jogta ay indhahaagu qabanayaan cabitaankaan Coca-Cola balse marka aad joogta dalalkaan Kuuryada waqooyi iyo Cuba kuma arki doontit cabitaankaan haddii ay dhacdo in aad aragto damacdana in aad iibsato waxaad ku helaysaa qiima aad u sareeyo waayo looguma soo iib geeyo dalka Maraykanka maadaamaa aysan laheen wax xeriir Ganacsi.

Waxaa dhacdaa in mararka qaar si sharci darro ah loogu soo dhoofiya waxaana laga soo galiyaa dalalka dariska la aha ee kala ah Mexico iyo Shiinaha sida laga soo xigtay BBC.

2. Ma ogtahay in dhamaan dadka caalamka ku nool ee lagu qayaaso 7.5 Billyan ay ku noolaan karaan magaalada Los Angeles.


Iyadoo dadka dunida kunool lagu qayaaso in ay yihiin7.5 billion oo ruux ayaa haddana waxaa la sheegay in dadkaan ay ku wada noolaan karaan Magaalada Los Angeles ee Gobolka California ee dalka Maraykanka taas oo cabirkedu yahay 500 oo Miles oo laba jibaaran oo u dhiganta (1,302 km2).

Sida laga soo xigtay Hay’ad aan dowli aheen oo shaqadeydu tahay ka war haynta noolaha oo la’yirahdo National Geographic, haddii dadkaan ay dhamaantoot garbaha isku qabtaan waxaa ay buuxin karaan Magaalada Los Angeles.

3. Ma ogatahay in taranka mataanuhu uu ka batay intii hore.

Waxaa lagayaabaa in aad rumaysan tahay in mataanuhu yahay wax aan tarankiisu aad u badneen balse tan iyo markii labilaabay in la diwaan galiyo dhalashada Mataanaha sanadkii 1915-kii, waxaa Sare u kacay taranka Mataanaha ilaa iyo 1980-kii taas oo lagu qiyaaso in 50-kii cunig ee dhalataba uu hal mataano ka yahay(2%) sida uu qoray Alexis C. Madrigal oo ka tirsan majalada Atlantic.
Sanadkii 1995-tii ayuu markale kor u kacay taranka ilmaha Mataanaha ah waxaa uuna gaaray 2.5%, oo waxaa uu heerkii hore kor u dhaafaya 0.5% iyadoo sidoo kale uu kor u kacay sanadkii 2001-dii oo uu gaaray 3%.

Tirakoobkii ugu danbeeyay ee lagu sameeyo taranka ilmaha Mataanaha ah oo dhacay sanadkii 2010-kii ayuu heerkiisi kor u dhaafay oo waxaa uu gaaray 3.3 %, taas oo ka dhigan in 30 kii cunig ee dhalataaba uu hal yahay Mataano.

Seenis yahanada ayaa rumaysan in tani ay sabab u tahay dabiibka(daawaynta) dhanka taranka ah (vitro fertilization) oo casrigaan la jooga ah mid sahlan iyo dumarka oo door bido in ay xili danbo ku guursadaan.

4. Ma ogtahay in dad badan ay booqdaan dalka Faransiiska in ka badan dalalka kale.

Dalka faransiiska waa dal leh wax yaallo badan oo qadiimi ah oo ka haray dowladihii hore ee soo maray ee Romance-ka ahaa, sidaasi darteet waxaa sanad walbo u dalxiis tago dad badan oo caalamka ka kala socda sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobe u xilsaaran dalxiisayaasha adduunka (United Nations World Tourism Organization).

Sanadkii 2017-kii, dalka Faransiiska waxaa uu soo dhaweeyay 86.9 million oo ruux kuwaas oo u yimid dalkaasi dalxiis, waxaa soo labeeyay dalka Spain oo isna qaabilay 81.8 million dalxiisayaal, si lamid ah dalka Maraykanka ayaa isna qaabilay dalxiisayaal gaarayo 76.9 million, shiinaha 60.7 million halka Taliyaanigana uu soo dhaweeyay 58.3 million dalxiise.
Haddaad ka heshay dhacdoyinka kuwaan la midka ah ee aan halkaan idin kuugu soo gudbinayno, Fadlan ku xirnaado website-kaan waxaan idin haynaa kuwa kale oo cajiib ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close