Wararka

Odayaasha dhaqanka Dhuusa-mareeb oo qado sharaf u sameeyay guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ergada shirka ka qayb galayso.

Iyadoo la filaayo in maalmaha soosocda ay Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada Galmudug ka furmato shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa maanta qado sharaf loogu sameeyay Dhuusa-mareeb guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo ergada magaalada u timid in ay ka qeyb galaan shir-weynaha loogu diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa soo qaban qaabiyay kulankaan waxaa uuna ula jeedadiisu aheyd soo dhaweyn iyo isbarasho sida uu sheegay Ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo ka hadlay afka ergada kulanka ka qayb galay ayaa uga mahad celiyay reer Dhuusamareeb soo dhaweynta waxa uuna dhankiisa sheegay in reer Galmudug ay ka faa’iideystaan fursadda dahabiga ee la siiyay oo ay ka wada shaqeeyaan adkeynta midnimada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close