Wararka

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo gaaray  magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminaayo Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha Dooha masuuliyiin kasocotay dowladas Qatar waxaana lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda ugu sarayso Qatar kulamadaas oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Xasan Cali Khayre ayaa kasoo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgium, halkaas oo ka qayb galka madasha nabadda Paris kadib uu kulamo kala duwan kula soo qaatay qaar kamid ah madaxda Midawga Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladaha Caalamka.

  

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close