Wararka

Yariisow Oo Kormeeray Xabsiga guud Ee Muqdisho  Iyo Maxbuustii ugu horeysay oo Caawa ku hooyanaya Xabsigaasi.

Gudomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Enj Yariisow) ayaa Maanta Kormeeray Xabsiga guud Ee Muqdisho Oo loo dhisay Hab Casri ah.

Xabsigaan ayaa maanta lagu wareejiyay maxaabistii ugu horeeysay oo tiradooda garayso 58 Maxbuus kuwaas oo galay dambiyo kala duwan, waxaana markoodi hore ay ku xirnaayeen Xabsiga dhexe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maxaabistaan ay heli doonaan xaquuq dhamaystiran oo isugu jirta hoy casri ah, raashin tayo leh iyo waxbarasho.

“Waxaan maanta kormeeray Xabsiga Guud ee Muqdisho oo maxaabiistii ugu horreysay ku hoyanayaan oo laga soo wareejiyey Xabsiga dhexe. Waxaan ku faraxsanahay in maxaabiista ay heleen xaquuq sare, hoy casri ah, raashin tayo leh iyo waxbarasho. Dowlada ayaa u istaagtay xuquuqda muwaadiniinta” ayuu yiri Eng yariisoow.

Xabsigaan ayaa ah xabsiga ugu weyn Soomaaliya waxaa uuna kamid yahay Xabsiyada ugu weyn qaarada Afrika waxaana dhismihiis oo dayactir iyo qalabeyn isugu jiray uu soo bilaawday sanadkii 2016-kii waxaana markaasi dhagax dhigay Ra’usul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxaana xariga ka jaray Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyrre 23-kii bishii Feb-2019.

 

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close