Wararka

(Dalka Hindiya): Falal la xiriira kufsi  iyo Dil loo geystay gabar 8 sano jir ah oo Lix nin maxkamad loosoo taagay.

Gabadhaan ayaa la sheegay in ay kasoo jeeday qoomiyada Muslimiinta ah ee looga tiraqda badan yahay dalkaasi hindiya, shakhsiyaadka Lagu Eedeeyay falkaasi ayaa la sheegay in u jeedkooda uuu haaa in ay ku cabsi galiyaan dilka gabadha dadka Muslimiinta ah ee dagan tuulada Kathua ee waqooyiga dalka Hindiya.

Sida uu sheegay xaakimka maxkamada, gabadha ayaa la afduubtay xili ay fardo ku daajinaysay meel wax yar u jirtay tuulada Kathua.

seddex kamida raga danbiga laggu soo eedeeyay ayaa waxaa ay mas’uuliyiin ka ahaayeen tuulada, Sanjhi Ram ayaa ahaa guddoomiyaha tuulada halka Deepak KHajjuria uu isna ahaa taliyahii Booliska tuuladaa. Seddexda kale ayaa ku eedeysan in ay qaateen lacag laaluush ah oo ay burburiyeen cadeeymo ay haayeen balse dhaman waxaa ay yihiin kuwa suggiya go’aanka maxkamada.

Hindiya ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka ugu badan ee ay ka dhacaan Tacadiyada ugu badan ee loo gaysto haweenka iyo caruurta.

sanadkii 2016-kii, waxaa dalka Hindiya laga diiwaan galiyay Ku dhawaad 20,000 oo kiisoo kufsi ah loo gaystay caruurta ku nool dalkaasi sodoo kale warbixin ay hay’adda Qaramada Midoobe soo saartay sanadkii 2014 ayaa lagu sheegay in seddexdii gabdhood ee ku nool Hindiya ay mid kamida la kulanta kufsiga.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close