Wararka

Madaxweyne Lafta-gareen oo Baydhabo dib ugu soo laabtay.

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Maanta dib ugu soo laabtey Magalada Baydhabo,isagoo Cimro u gu maqnaa Magaalada Barakeysan Ee Makkah.

Wafdiga Madaxweynaha waxa goroonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo Ku soo dhaweyayay, Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada koonfur Galbeed  iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed,Wasiiro,Xildhibaano ,odayaasha dhaqanka, qeybaha kala Duwan Ee saraakiisha Ciidamada ,iyo Ururada Bulshada Ra’idka Magaalada Baydhabo Ee xaruunta Gobolka Baay.

Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa soo dhaweeyay  madaxweynaha.

Intaas kadib madaxweyne Lafat-gareen,  ayaa loo soo dhaadhiciyay xarunta madaxtooyada maamulkaas waxaa uuna halkaas kaga warbixiyay safarkiisi Sacuudiga waxaa uuna sheegay in socdaal kaan uu ahaa mid ka duwan kuwii hore ee uu shaqada ugu bixi jiray balse uu ahaa safar Cibaado.

C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen, ayaa wax aan marnaba la aqbali Karin ku tilmaamey ,in Qof shacab ah oo aan Wax galabsan la dilo oo uu dilo Askari kaas oo ay shaqadiisa aheed in uu ilaaliyo amniga  Shacabka waxaa uuna sheegay  in Qofkii Qof dila  la dili doona.Image may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people smiling, people standing, beard and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, wedding and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standingImage may contain: 4 people, people standing and outdoorImage may contain: 3 people, people smilingImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 3 people, people sitting and indoor

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close