Ciyaaraha

Xidig katirsan Atletico oo ku dhaw Barcelona.

Maamulka iyo madaxda kooxda Aletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba ka war qabaan in xidigooda Antoine Griezman heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxeda Barcelona sida la ogaaday.

Wargayska EL Larguero ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid haatanba u dagaalamayso in ayna lumin xidigooda ugu mushaarka badan kooxda.

Axdii ayuu Manu carreno yidhi Atletico Madrid haatanba way ogtahay in uu wax walbo kala heshiiyay Barcelona Greizman waa heshiis dhacay.

Labada kooxood ayaa haatan wadahadalo dhanka lacagta ah ku jira laakiin dookha 1-aad ayaa ah in ay Barcelona miiska saarto lacagta dhan 125milyan oo Euro ah oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa 1-da bisha July.

Wargayska SER ayaa dhanka kale sheegaya in uu todobaadkan jiri doono kulan lagu soo afjari doono inta ka dhiman heshiiska xidiga ugu biiri doono kooxda Barcelona.

Antoine Griezman ayaa si aad ah ugu dhawaaday in uu ku biro kooxda Barcelona xagaagii hore laakiin xidiga ayaa ugu dambayn heshiis cusub u saxiixay iskana sii joogay Atletico Madrid.

Laakiin haatan Barcelona ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa xidiga 28jirka reer France marka la gaadho suuqa xagaaga kana dhigo doonto saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close