Ciyaaraha

Dani Alves oo kahadlay mustaqbalka saaxiibkiis Neymar

Xidiga daafaca uga ciyaara kooxda PSG ee Dani Alves ayaa ka hadlay suurtagalnimada uu xidiga ay isku dalka yihiin ee Neymar uga tagi karo kooxda PSG marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xidiga reer Brazil ayaa si weyn loola xiriirinayaa in uu ka tagayo kooxda PSG marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga isaga oo bartilmaameed weyn u ah kooxda Real Madrid.

Wararka ayaa wakhtigii ugu dambeeyay si weyn Neymar ula xiriirinayay in uu isaga tagayo kooxda PSG xili ay Real Madrid si aad ah u doonayso adeegiisa si ay ugu xoojiso kooxda.

Wargayska ABOLA ee ka soo baxa dalka Portugal ayaa Alves waydiiyay’miyuu Neymar ka tagi doonaa PSG kuna biiri doonaa Real Madrid ? waxana uu ku jawaabay ‘ma awoodo in aan ogaado mustaqbalkiisa xidiga’

‘waxa aan rajaynayaa in uu nala sii joogo sababta oo ah heshiis ayuu kula jiraa PSG waxana aan u malaynayaa in uu doonayo in uu ixtiraamo’

Real Madrid ayaa si aad ah u doonaysa Neymar si ay ugu buuxiso booskii uu ka baxay Ronaldo oo xagaagaan ku biiray Juvantus.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close