Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la tashi la yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Kenya, Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, kadib markii loogu yeeray shalay oo Axad ahayd wadatashi ku qotoma xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa talooyin iyo tilmaamo siiyay Safiirka si uu u fuliyo, lana socdo, halka Danjire Maxamuud Tarsan uu wasiirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ugu yeeratay Safiirkeeda Nairobi wadatashi, halka Safiirka Kenya ay ku wargelisay in uu dib ugu laabto dalkiisa, iyadoo ka jawaabeysa faragelinta kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaradda arrimaha Dibadda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close