Wararka

wasiirka wasaaradda Tamarta oo Baydhabo gaartay.

wasiirka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayso ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha ee Shati Gadoon ee Magaalada Baydhabo.

Wasiir  Fowsiya Maxamed Sheekh iyo wafdigeeda waxaa Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale, waxaana Xubnaha wafdiga ay iskugu jireen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Cismaan Libaax Ibraahim,agaasimaha Guud ee wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda Tamarta iyo Khayraadkla Biyaha Soomaaliya.

Wafdiga ay horkacayso wasiir Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa magaalada Baydhabo ugu qayb gali doona shir ku saabsan arrimaha Tamarta Soomaaliya oo 20 bishan ka furmi doona magaaladaasi Baydhabo,kaasi oo u dhexeeya wasaaradaha Tamarta Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

Shirkaan ayaa socon doona mudo afar Maalin ah waxaa uuna  ku eg yahay 24-ka bishan waxaana Lagu eegi doonaa tayeenta awoodaha tamarta Iyo waxaa u qabsoomay wasaaradaha Tamarta Iyo kheyradka biyaha dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada Dalka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close