Wararka

10-ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Uganda.

Shil gaari oo ka dhacay galbeedka dalka Uganda ayaa gaystay qasaaro nafeed iyo maalba kadib markii uu gaari siday shidaal uu ku dhacay seddex gaari oo kale.

Ugu yaraan 10-ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shilkaasi waxaa ayna wararka intaa ku dariyaan in khasaaraha uu sii badan karo.

War ay soo saareen Booliska dalka Uganka ayaa lagu sheegay in dadka dhintay ay dhamantoot ku gubteen gaariga shidaalka siday kaas oo qarxay kadib markii uu ku dhacay gawaaarida kale.

Afhayeenka u hadlay Booliska dalkaasi ayaa intaasi ku daray in Gaariga shilka gaystay uu ka yimid dalka Kenya isagoo ku wajahnaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Koongo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close