Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaraaha dalka Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda Jabuuti.
Labada Madaxweyne ayaa maalinta berri ah wada hadallo ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood.
Booqashadan ayaa salka ku haysa aragti wadaagga ku saleysan iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close