Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray degmada Camaara ee Gobolka Mudug.

Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ee Qaybta 21-aad oo uu Hugaaminayo Taliyaha Qaybta Gen: C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayaa Howlgal Qorsheysan Ku Gaaray Degmada Camaara ee Gobolka Mudug Halkaa oo ka Mid ah Goobaha ay Joogeen A-lshabaab.

Howlgalkan oo ah Mid Balaaran ayay Ciidamadu Ku Galeen Dhamaanba Xaafada Camaara iyagoo Shacabka Halkaa Dagan ka Xog Wareysanaya Xaaladooda AMNI iyo Tan Nololeed.

Taliyaha Qaybta 21-aad Gen: “Qooje” oo La Hadley Shacabka Camaara ayaa u sheegey in Ciidamadu ay Horay usii Socon doonaan Qorshuhuna Yahay in la Gaaro Dhamaanba Deeganada Kale ee aan gacanta dowlada ku jirin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close