Wararka

Wasiir Ku Xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo kormeer ku tagay Garoonka Jiddah oo ay xujey Soomaaliyeed kasoo dagaayeen.

Masuuliyiin kasocota xafiiska wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee magaalada Jiddah ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka dayuuradaha ee magaalada Jiddah.

Wasiir Ku Xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cusmaan Aadan Dhuubow, Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee magaalada Jiddah Ilyaas Sheeq Cumar, ku-xigeenka Qunsuulka Guud Ahmed Mohamud Diriye (Macruuf) iyo masuuliyiin kale ayaa kormeerka ay maanta ku tagen Garoonka Jiddah waxaa ay ugu kuur galayeen xaalada Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkaan Soo kudanaayo waajibka Xajka.

Cusmaan Aadan Dhuubow, Wasiir Ku Xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ka warbixiyay kormeerka ay maanta ku tageen Garoonka Diyuuradaha ee jiddah waxaa uuna sheegay in ay halkaa u tageen sidii ay ugu kuur gali-lahayeen addeegyada loo fidinaayo xujeyda Soomaaliyeed waxaa uuna intaa ku daray in ay sare u qadayaan shaqadii loo qaban jiray xujeyda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close