Wararka

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee dowladda Puntland oo shacabka ka codsaday In ay ciidamada Amniga la shaqeeyan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo shir jiraa’iid ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira amniga deeganada maamulkaas waxa uuna ka codsaday shacabka in la shaqeeyaan.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Puntland ay u dabaal degeyso 21-sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskeeda waxaana uu faray in ciidamada amaanku ay ka feejignaadaan inta uu socdo dabaal degu in ay dhacaan falal amniga ka soo hor jeeda.

Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa la geeyay Xaafadaha Magaaladda Garowe waxana wasiir ku xigeenku sheegay in ay sugayaan Amniga munaasabad loogu dabaal-degayo sanad-guurdii 21-aad oo ku beegan markii la Aas-aasay Dowlad goboleedka Puntland 4-tii Bisha Agoosto Sanadkaan 2019 taas oo la filayo in lagu qabto Magalada Garoowe.

Magaalada Garoowe ayaa siweyn looga dareemayaa u dabaal-degida 21-guurdii kasoo wareegtay Aas-aaskii Maamulka Puntland,waxaana munaasabada ka qeyb geli doona madax badan,waxaana munaasabadii la soo dhaafay ee sanadkii 2018 ka qeyb galay Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close