Wararka

Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland oo guddoomiyay shir looga hadlaayay xaaladda amniga deganada mamulkas.

Madaxwayne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay kulanka dardar galinta amniga deegaannada Jubbaland.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxwayne ku-xigeeenka 2-aad ee Dawlad Goboleedka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ,taliska iyo saraakiisha Ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland.

Kulankaan ayaa daaranaa sidii loo xoojin lahaa howl-galada ay wadaan ciidamada Jubbaland, waxaana amaan iyo bogaadin looga jeediyay shirka ciidamada nabad sugid iyo booliska Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay howl galo ka waday gudaha Magaalada Kismaayo.

Ugu Danbeyn Maxamuud sayid Aadan ayaa magacaabay todobo xubnood oo ay ku jiraan xubno katirsan Golaha wasiirrada, gudoomiyaha Gobolka J/hoose iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland, kuwaasoo loo xilsaaray sidoo ay u joogteyn lahaayeen xaqiijinta amniga Jubbaland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close