Wararka

Qaxoti iyo muhaajiriin ku safraayay Xeebaha Liibiya Oo Dooni Kula Qalibmatay Badda Medditrian.

Afhayeenka illaalada xaybaha Libya, Ayoub Qasim ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay in laba dooni oo siday dad gaarayo 300 oo ruux ay ku qalinmatay meel 120km dhanka bari ka xigta caasimada Tripoli waxaa uuna intaa ku daray in lasoo badbaadiyay 134 ruux.

Qasim ayaa sidoo kale waraysi uu siiyay wakaalada wararka ee AFP u sheegay in dadka lasoo badbaadiyay ay kasoo kala jeedaan dalalka Itoobiya, falastiin iyo Suudaan.

hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay in 150 qof ku dhinteen waxaa ayna sidoo kale sheegeen in dadkii lasoo bad-baadiyay dib loogu celiyay dalka Libya.

Afhayeen u hadlay  hay’adda xaqootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegay in dadka ku haligmay doonida ay ku jireen caruur iyo haween waxaa kale oo uu sheegay in dadka lasoo badbaadiyay ay soo caawiyeen kaluumaysato ka shaqaysato xaybahaas Libya kadibna dib ay ugu celiyeen ilaalada xaybaha Libya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close