Wararka

wasiir Canshuur  oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdi heer sare ah oo kasocda Xukuumada federaalka Soomaaliya oo uu horsed u yahay wasiirka wasaarada boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DFS cabdi canshuur cali ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha ee Shati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada DGKS oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DGKS max’ednor shiikh cade.

wasiir Canshuur ayaa Magaalada Baydhabo u tagay si uu ugu qeyb galo shir looga hadlayo arimaha isgaarsiinta oo maalinta berito ka furmi doona magaalada Baydhabo.

wasiirka wasaarada boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DGKS, Max’ednor Shiikh Cade ayaa ugu horeyn ka hadlaya soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey xubnaha wefdigaan ee ka socday Dowlad Gobaleedyada iyo Dowladda Fadraalka Soomaaliya .

shirkaan la qorsheynaayo in maalinta berito uu ka furmo magaalada baydhabo wuxuu daba socdaa shir sanadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho oo looga hadlayey arimaha isgaarsiinta dalka kaasi oo ay  ka soo qeyb galeen dhamaan wasiirada maamul goboleed-yada dalka.

Image may contain: 2 people, aeroplane and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 10 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 5 people, people standing and suitImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close