Wararka

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo soo xirey shirka dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow ayaa sooxiray maanta shirka dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka oo muudo saddex maalmood ah kasocday muqdisho.

Waxaa kasooqayb galay Wasiirada Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta Afrika, Khubaro Ingineero soomaaliyeed & Midowga Yurub.

Mudadii uu shirku socday waxaa doodo iyo latashiyo lalayeeshay Wasiirada Maamul Goboleedyada sida ugu wanaagsan uguna dhakhsaha badan ee lagu horgalin karo dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka.

Ilaa afar waddo oo waawayn iskuna xira gobolada dalka ayaa ladhisidoonaa waxaana kamid ah Baladwayne – Gaalkacayo, Gaalkacayo – Garoowe, Gaalkacayo – Hobyo, Iyo Luuq Ganaane – Doolow.

Gabagabadii shirka waxaa lagu kala saxiixday heshiiska dhismaha wadooyinka wasiirka wasaaradda hawlaha guud DFS  Cabdi Aadan Hoosow ayaa saxiixay waxa uuna xusay Muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay dhismaha Wadooyinka.

Sidoo kale Wasiir Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu isla maanta saxiixay heshiis deeq ay dowladda talyaanigu kaga qayb qaadanayso dhismaha wadooyinka isku xira gobolada.

Waxaa uu shir laqaatay safiirka dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya, madaxa haayadda horumarinta Talyaaniga & Bangiga horumarinta Afrika.

“Waxaa halkan kamuuqanaya oo tani fariin ay u tahay sida ay dhab nooga tahay in aan wadankeen dib u dhisano oo qof walba wixii hore inta meel la iska dhigo aan usoowada jeeysano sidii wadanka lagu dhisi lahaa anagoo dhan Wasiiradeena, Agaasimayaasheena & hawl wadeenada.

Wasaaradda Hawlaha Guud shaqadadeedo waxaa weeye in wadanka dib u dhisto” ayuu yiri Wasiir Hoosow gabagabdii Shirka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close