Wararka

Alejandro Giammattei oo noqday madaxweynaha Cusub ee Guatemala.

Alejandro Giammattei ayaa noqday madaxweynaha Cusub ee dalka Guatemala isagoo helay codad gaaraayo 58.26 boqolkiiba waxaa uuna ka guulaysaty haweeneyda layirahdo Sandra Torres oo ka tirsaneed xisbiga Rajada Midowga Qaranka (National Unity of Hope party) ee haatan talada haayay taas oo heshay codad gaaraayo 40 boqolkiiba.

63-sano jirkaan ka socday xisbiga conservative ayaa mar uu warbaahinta kula hadlay magaalada nadaxda Guatemala kadib guushiisa ayaa sheegay in waqti Cusub uu u galay dalka Guatemala.

Alejandro Giammattei ayaa sidoo kale u mahadceliyay dadkii u codeeyay iyo kuwa aan u mahadceliyay iyo waliba kuwa aanba imaanin goobaha codbixinta waxaa uuna yiri” kuwii noocodeeyay, kuwaan noocodeynin iyo kuwa aanan soo xaadirin goobaha codbixinta wax dhiba ma lahan. maanta waxaan u baahanahay midnimo”

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close