Wararka

Wasiir Bayle “Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah”.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya Abdirahmaan Ducaale Bayle oo war-qoraal ah ku taabacay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Umadda Soomaaliyeed ay u baahanyihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah xili uu kasoo dhexmuuqday sawir ay si wadajir ah u galeen isaga, madaxweynaha maamulka Somaliland, wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wasiirka Arrimaha guddaha Somalinad.

Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay in sawirka ay sida wadajirka ah ugu soo galeen Xajka iyagoo gudanaayo waajibaad-kooda Acmaasha Xajka ay muujinayso sida dadka Soomaaliyeed aysan u kala maarmin loona baahanyahay in laga wada shaqeeyo wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul.

“Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno” ayuu wasiir Bayle ku yiri Bartiisa facebook-ga.

Wasiir Bayle oo hadalkiisa sii wato ayaa waxaa uu siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta labada dhinac ugu baaqay in ay kawada shaqeeyaan sidii lagu gaari lahaa dib-u heshiisin dhab ah  oo macno leh islamarkaana bulshada Soomaaliyeed u horseeda barwaaqo iyo midnimo. “Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqdo ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo” ayuu yiri wasiir Bayle.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close