Wararka

57-arday oo deeq waxbarasha ka helay dalka Masar oo maanta munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay dalkaasi.

Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar waxaa Maanta lagu soo dha weeyay Arday Soomaaliyeed oo gaarayso 57 arday oo ka mid ah ardaydii u fadhiisatay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2017/2018 oo deeq waxbarasho ka helay dalka masar.

Safaarada Soomaaliya ee dalka Masar iyo gudiga ardayda Soomaaliyeed ee dalka masar ayaa munaasabad Soo dhaweyn ah u sameyay ardaydaan waxaana munaasabadda goob-joog ka ahaa Aagaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaaciil Yuusuf Cismaan, masuuliyinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, gudiga ardayda Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Agaasimaha tacliita sare ee wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaaciil Yuusuf Cismaan oo ka hadlay munaasabadda ayaa ardayda Soomaaliyeed u rajeyay guul iyo in ay ka soo sal gaaraan  waxbarashadooda.Image may contain: 9 people, people smiling, shoes and outdoorImage may contain: 12 people, people smiling, shoes and outdoorImage may contain: 12 people, shoes and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close