Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka tacsiyayeeyay toddoba ruux oo dil loogu gaystay deegaanka ceel-afweyn.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiintii ku geeriyootay shalay Ceel-afweyn kuwaas oo gaaraayay Todoba ruux oo afar ay haween yihiin.

War-qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay dadkii ka danbeeyay dilkii shalay ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn sidoo kalena ay socdaan hawl-gallo lagu baadi goobayo dad kale oo iayagana ku luglahaa falkaasi toddobada ruux lagu dilay.

Kusimaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa dhamaan shacanka deegaanka ceel-afweyn ka codsaday in ay xil iska saaraan adkaynta amniga isagoo amar ku bixiyay in ciidamada amaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi ceel-afweyn.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close