Wararka

Madaxweyne Deni oo magacaabay  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka u magacaabay Maxamed Rooble Cabdi waxaa uuna ku sheegay in uu yahay ruux aqoon iyo khibrad u leh shaqadaan:

Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweyanah dowlad Goboleedka Puntland ayaa u wornaa sida tan:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-64, Ogoosto 20, 2019 ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Maxamed Rooble Cabdi loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close