Wararka

Ururka Islaamka ee OIC oo soo dhaweeyey Wada-hadaladda DFS iyo Maamulka Somaliland.

Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen waxaa lagu soo dhaweeyey Dadaalka uu qaaday Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo marti-geliyey Shirka Wada-Tashiga ee ay Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland bishan June 14-kii ilaa 15-dii ku yeesheen Jabuuti, iyadoo Kulankaasi looga dan lahaa in dib loogu soo celiyo Wada-hadalka Ajendaha Somaliland.

Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC waxay kaloo bogaadiyeen Natiijada Heshiiska dhex maray labada dhinac ee lagu dhisay Guddi Farsamada oo Wadajir ah, si ay ugu gogol-xaaraan Dib-u-soo-celinta Wada-xaajoodyada, gaar ahaan Qoddobada aan weli la xalinin.

Ururka OIC ayaa waxaa xubno ka ah Ilaa 57 Waddan oo Islaam ah waxaana la aas aasay sanadkii 1969-kii iyadoo xarantiisa dhexena ku taalla magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close