CiyaarahaWararka

Horyaalka kubbadda cagta Soomaali oo dib u furmaayo.

Wasiirka wasaaradda cayaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiijo Mohamed Diiriye ayaa shaacisay in dib loo furi doona tartanka horyaalka kubbadda cagta Soomaali xili ay maanta si rasmi ay loo daahfuray tartanka toddobaadka xoriyadda oo ay ka qeyb galayaan afar koox.

Guddoomiyaha Guddiga qaran ee maalmaha xoriyadda ahna wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si rasmi ah u daahfuray tartaankaasi ay ku loolamayaan afarta kooxood.

“Guddoomiyaha Guddiga qaran ee maalmaha xoriyadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo si rasmi ah u furay tartanka toddobaadka xoriyadda oo ay ka qeyb galayaan afar koox. Sidoo kale waxaa dib loogu soo laabbanayaa cayaaraha guddaha oo ugu horreeyo horyaalka kubbadda cagta Soomaali” ayay tiri Wasiir Khadiijo Mohamed Diriye.

Muddo ayuu hakad ku jiray cayaraha horyaalka kubbadda cagta Soomaali oo si aad ah looga xiiseeyo gudaha dalka kadib saamayntii xanuunka coronaviruska.Image may contain: 1 person, standing and weddingImage may contain: 5 people, people standing and outdoorImage may contain: 16 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing, wedding and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close