Wararka

Ciiidamada Qalabka Sida oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegana hoostago gobolka Galgaduud.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgal qorsheysan ku gaaray Deegaanka War-xoolo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud kana mid ah Deegaanada Alshabaab gacantoda ku jirtay.

Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah ayaa dadka deegaanka u balan qaaday in Ciidamada qalabka sida ay kala shaqeyn doonaan ilaalinta amnigooda.

Howlhalkan ayay sidoo kale ciidamadu ku gaareen Deeganada Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo si diiran ugu soo dhaweeyeen dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan.Image may contain: one or more people and outdoorImage may contain: 3 people, sky, tree, cloud, outdoor and natureImage may contain: 5 people, outdoorImage may contain: 9 people, outdoorImage may contain: 5 people, crowd, child and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close