CiyaarahaWararka

Tababarihii hore ee Arsenal oo difaacay Mesut Ozil.

Tababarihii hore ee Naadiga Arsenal, Arsene Wenger ayaa ka hadlay xaaladaha kacsan ee ku aadan hadal uu dhawaan ku hadlay laacibka qadka dhexe ugu ciyaara kooxda Arsenal ee Mesut Ozil.

Arsene Wenger ayaa difaacay aragtida Mesut Ozil waxaa uuna sheegay in Mesut Ozil uu leeyahay xaquuqda hadalka sida uu ruux kasto uleeyahay xaqa hadalka waxaa uuna tilmaamay in Mesut uu ka hadli karo aragtidiisa uuna u madax banaanyahay.
Mesut Ozil oo haysto dhalashada dalka Germany balse ah Turki ayaa barahiisa Twitter ka iyo Instagram ka kusoo daabacay qoraal uu ku sheegay in hoggaamiyaasha caalamka aysan ka danqan dhibaatada loo gaysto muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs ee ku dhaqan dalka Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibada dalka Shiinaha ayaa laacibka kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ku cambaareeyay in uu ka faa’iidaystay booska uu hadda jooga uuna fadeexo u gaystay dowlada Shiinaha isagoo tilmaamay in waxa uu Mesut Ozil faafiyay ay yihiim warar been abuur ah iyo samcad dil.

Xoghayaha dalka Maraykanka Mike Pompeo ayaa sidoo kale garab istaag u muujiyay Mesut Ozil isagoo sheegay in xukuumada Beijing.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close