Wararka

Horjoogaha dibadbaxayaasha Suudaan oo kulan la qaatay hogaanka militariga xukunka Suudaan la wareegay.

Waxa magaaalda  Khartoum ee dalka Suudaan kulan ku wadaqaatay hoggaamiyeyaasha dadweynaha dibadbaxyada ka wada dalkaas iyo golaha millatariga ee uu horkacayo Janaraal Cabdulfataax al-Burhaan oo xukunka kala wareegay al-bashiir.

Afhayeenka iskaashatooyinka Suudaan, Maxamed Yuusuf Mustafa oo u warramay BBC ayaa sheegay in kulankoodii ay hoggaanka golaha milatariga ugu gudbiyeen codsiga dibad baxayaasha kaasoo ku qotomay in gabi ahaanba waxba kama jiraan laga soo qaado dhammaan shuruucda cariiriga galinaysa xorriyadaha dadweynaha iyo in la dhiso xukuumad madani ah oo leh awoodo fara badan.

Mustafa ayaa sheegay in golaha ay ka codsadeen in si hufan loo maxkamadeeyo cid walba oo wax isdaba marisay iyo cid walba oo si xaqdarro ah dhiigga shacabka ku daadisay.

Horay ayuu hoggaamiye al-Burhaan ugu dhawaaqay in dalka uusan ku jirin wax bandow ah sidoo kalena la laalay dhamaan shuruucdii kale ee lagu xannibayay dibad baxayaasha wuxuuna sheegay in dalka uu gali doono muddo laba sano oo kumeel gaar si looguu diyaar garoobo doorashooyin ay dadweynuhu u dareeraan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close