Wararka

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire, Xamuud Sumran Al-Xuweydi.

Kulankaan oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya gaar ahaan Waaxda Xariirka Carabta ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho, Xoojinta xiriirka wadashaqeynta, iyo fududenyta isku-socodka dadka ee dalalka xubinta ka ah Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyadoo la maraayo golaha Iskaashiga arrimaha gudaha ee Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale kulanka ayaa intii uu socday lagu soo hadal qaaday sidii loo gacan qaban lahaa qaxootiga wadamada Carbeed ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Agaasimaha iyo Safiirka ayaa isla soo qaaday horumarada ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda sanadihii lasoo dhaafay, isagoo Safiirka bogaadiyay isla markaana sheegay in hormarkaasi uu yahay mid muuqdo oo ay dhamaan wadamada Jaamacadda Carabta iyo Wadamada dariska ah dareemeen.

Ugu dambeyn Safiirka ayaa balan qaaday in Hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta.

     

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close