Wararka

Malaysia oo qabanayso shirka Hoggaamiyaasha Islaamka.

Dowlada Malaysia ayaa Asbuucaan qaban doonta Shirka Hoggaamiyaasha Islaamka kaas oo lagu gorfeyn doona dhibaatooyinka soo wajaho Islaamka dhamaan daafaha caalamka meel kasto ay ku nool yihiin.

Hoggaamiyaasha dowladaha Turkiga, Iran iyo Qatar ayaa kamid ah boqolaalka wafuud ee shirkaan ka qayb galayso.

Shirkaan ayaa waxaa dabada ka riixaayo Ra’iisal wasaaraha dalka Malaysia Mahathir Mohamad, kaas oo magac iyo maqaam sare ku leh Bulshada Islaamka waxaa uuna doonayaa in uu magac ugu soo jiido dalkiisa oo marti galinaayo shirkaan.
Su’aallaha ugu badan ee la’iswaydiinaayo ayaa ah in qodobada iyo Ajandayaasha kulanka ay kamid noqon doonaan “sida ay dowlada Shiinaha kula dhaqantahay Muslimiinta laga tiro badan yahay ee Uighur taas oo lagu dhaleeceeyay hoggaamiyaasha Muslimiinta in ay ka aamuseen dhibaatada loo gaystay dadkaasi Muslimiinta ah.

Masuuliyiinta Malaysia ayaa xaqiijiyay in ay shirka ku casuumayn Boqorka dalka Sacuudi carabiya, Boqor Salman balse uusan kasoo qayb noqon doonin wafuuda ka qayb galayso shirka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close