Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan degdeg ah xalay la qaatay saraakiisha laamaha amniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya Alshabaab.

“Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya Al-shabaab dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta.

Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii ka dhashay Qarax Arbacadii Ka dhacay Muqdisho ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close