Wararka

Ra’isal wasaaraha dalka oo Umadda Soomaaliyeed ugu tacsiyayeeyay Geeridii ku timid Ra’isal wasaarahii hore ee dalka.

Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa tacsi u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo”. Ayuu Ra’iisal wasaraha kusoo qoray Bartiisa Facebook.

Ilaahay ha u naxariistee magaalada London ee dalka Ingiriiska ayuu ku geeriyooday ra”iisul wasaarihii hore ee dalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) oo maalmihii dambe la xanuunsanayay caabuqa COVID-19.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close