CiyaarahaWararka

Ozil oo markii ugu horeysay ka hadlay Mustaqbalkiisa.

Laacibka Koxda Arsenal Mesut Özil ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’ankiisa sii joogista naadiga.

Cayaryahanka oo fariin niyad jab ah taageerayaashiisa kooxda arsenal u soo mariyay bartiisa Facebook ayaa sheegay in uusan dooneyn in xilicayaaradkiisi 8aad uusan jecleysan in u uku dhamaysto sida ay hadda wax u socdaan.

Sidoo kale lacibka ayaa sheegay in uu wakhti badan u soo dul qaatay ka soo muuqasha la’aanta safka cayaartoyda ee horyaalka bilawga ah taasina ay keentay in uu go’aan ka qaato mustaqbalkiisa naadiga.

“Waxaan markasto isku dayi jiray inaan jogteeyo wanaaga, asbuuc kasto waxaan islahaa fursada ayadaa imaan doonta waxaadna dib ugu soo laaban doontaa safka koxda balse waxkasto waa ay is badaleen markalena laima ogolaan inaan Kubada cagta u dheelo nadiga Arsenal. Maxaa kale oo aan dhihi karaa? London wali waa hoygayga, wali waxaan kooxda ku leeyahay saaxiibo badan waxaana dareemayaa inaan xeriir adag la leeyahay taageerayaasha kooxdaan” ayuu yiri Ozil

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close