Wararka

Shirka Khamislaha golaha wasirada KGS oo qodoba dhowr ah looga hadlay.

Madaxweynaha Dowlad goboledka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay Xaaladaha kajira Deeganada Koonfur Galbeed iyadoo Warbixino kala Duwan laga kala dhagaystay Wasiiradaha Wasaaraddaha Amniga,Arimaha Gudaha,Howlaha Guud,Waxbarashada,Sportska,iyo Dekedaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag oo Warbixin Amniga ku saabsan ka jeediyey shirka ayaa ka warbixiyey Xaalada Amni ee Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalkii udambeyey ay Sameeyen Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad ee Fariisinka ku leh Degmada Diinsoor Waxaana Wasiirka Xusay in Howlgalka ay sameeyen Ciidanka ay kuso qabsadeen Hub sido kale Qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Alshabaab.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare maamulka Koonfur Galbeed oo isna warbixin ku saabsan waxbarashada ka jeediyey shirka ayaa ka warbixiyey Sedaxdii bilood udambeyey Waxyaabaha uqabsoomay Wasaaradda Dhinacyada Baahinta Manhajka,Dib-udhiska Goobaha Waxbarashada iyo Udiyaargarowga Sanadaha soo socda sidii loo hormarin lahaa Waxbarashada Deeganada Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Koonfur Galbeed,Xaaji Suufi ayaa dhankiisa ka warbixiyay dadaalka ay waddo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee ku aadan Udiyaar garowga ka Qeybgalka Koob Ciyaareedka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo lagu wado dhaamadka Sanadka in lagu qabto Magaalada Muqdisho Waxaana uu Tilmaamay Wasiirka in haatan Baydhabo Tawabar ugu socdo Qaar kamid ah Ciyaartooyda Xulka Koonfur Galbeed Dhowaana ay kuso Biiri Doono Ciyaartoydii kale ee laga so Xuley Gobolada Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Golaha Wasiiradda ku bogaadiyey Howlaha shaqo ee ay uhayaan Shacabka waxaana uu ku dhiirageliyey inay sii laba jibaaran sidii looga miradhali lahaa Himilooyinka Shacabka Koonfur Galbeed.Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and basketball courtImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close