Wararka

Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax oo la kulamay wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u fadhiya Soomaaliya.

Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax ayaa kullan magaalada Muqdisho kula yeeshay wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Guddoominaya waxaa kullanka kuwehlinaayay ku-xigeenkiisa dhanka Maaliyadda. Intii kullankaas lagu guda jiray ayaa waxaa ay mas’uuliyiinta kawada hadleen xoojinta Howlgallada ka dhanka kooxda Al-shabaab ee kasocda Gobolka shabeellaha Hoos.

Guddoomiye Ibaarim Aadan Najax oo kullanka ka hadlaayay ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka,kuuwa AMISOM iyo maamulka gobolka ay iskaashani doonaan si amniga deeganada gobolka shabeelaha hoose dib loogu soo celiya.

“Balantu waa ciidamada xooga dalka,kuuwa AMISOM iyo maamulka gobolka inay xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya si iftiinka dowliga loo gaarsiiyo meel walba oo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose”ayuu yiri Guddoomiye Najax

Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in sanadkaan 2019-ka  ay samayn doonaan howl-gallo aad u balaaran oo ay ku xaqiijiniyaan amniga deeganada Gobolka shabeelaha hoose.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close